Warar Wararka

Maxaa kala haysta Maamulada Puntland iyo Galmudug?

Radio Danan: Waxa xalay dagaal xoogan oo udhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug ka qarxay Mgaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidamo katirsan maamulka Galmudug ay fariisimo cusub ka sameysteen goob fagaara ah oo ku taal magaalada gaalkacyo islamarkaana xigta dhanka Puntalant taas oo sababtay dagaal muddo saacada ah ka socday magaaladaasi Galkacyo.

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa hadda degan waxaana jirta waan waan udhaxeysa labada dhinac oo magaaladaasi ka soconaysa.

xurgufta u dhaxaysa labada Maamul ayaa noqotay mid cirka isku sii shareerta tan iyo markii Galmudug ay noqotay maamul buuxa oo hogaamiye ka noqtay Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed.

Wixii ku soo kordha xiisadda ka aloosan labada dhinac kala soco Radiodanan.net.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil