Warar Wararka

Faafaahino laga helayo dagaal dhexmaray Ciidamada DFS iyo Xarakada Al-shabaab

Radio Daann: 6 qof ayaa ku dhimatay kadib markii xalay Xarakada Al-shabaab ay weerar culus ku qaaday xarun ciidan oo kuy taala meel kudhawaad 30KM ujirta degmada xudur ee Gobolka Bakool.

Sida ay idaacadad Danan u xaqiijiyeen dadka deegaanka ayaa waxa uu sheegeen in 6 qof ee dagaalka ku dhimatay ay kawada tirsanaayeen labada dhinac.

sidoo kale wararka ay Danan heleyso ayaa intaasi raacinaya is saakay waaberigii meydka qof aan la garanaynin laga helay deegaankaas qofkaas oo lala xiriirinayo in uu katirsanyahay Xarakada Al-shabaab.

Xaaladda goobihii laysku dagaalay ayaa saakay degan mana jirto cid ka hadashay labada dhinac wixii ku soo kordha khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi kala soo Radiodanan.net.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com