Warar Wararka

Turkiga Oo Xabsiga Dhigtay Rag Basaas U Ahaa Mareykanka

Dowladda Turkiga ayaa xabsiga dhigtay inkabadan 80 rag kuwaas oo ka tirsanaa wasaaradaha dalkaasi turkiga kadib markii ay uga shakisay in ay la shaqeeynayeen sirdoonka dlkaasi mareykanka.

Dadka laxiray Ayaa lasheegay in ay ku jireen istaafka wasaaradda isgaarsiinta dalkaasi kuwaas oo lasheegay in ay gudbinayeen sir ku saabsan documentiyo muhiim u ahaa wasaaradda.

sirdoonka turkiga ayaa muddoo baaritaan ku waday raggan iyagoo oo horraan looga shakiyay in ay ka danbeeyeen kacdoonkii sanadkii hore dalkaasi ka fashilmay kaas oo laysku dayay in lagu af gambiyo dowladda madaxweyne Rajib dayib ordogan.

Agaasimaha sirdoonka dalkaasi ayaa sheegay in ay ragga ay xireen ay bixinayeen sirta dalkaasi.
“Waxaan dabagal ku wadnay muddo 8 bilood waxaan helnay E-mailo ay is dhaafsadeen dad ku sugan Mareykanka weli waxa jira rag kale oo laga shkisanyahay balse waxa ay heystaan fursad ay noloshoodo wax kagabadalaan dalkoodana ay u noqdaan daacad wax walba oo ay nagu qaadato waan soo qaban doonaa kuwa basaasa sirta qaranka” ayuu yiri agaasimaha waaxda sirdoonka mareykanka Nijiib xisaabi.

Raggan la xiray ayaa ka horeeyay mas’uuliyiin hore ee dalkaasi oo xabsiga loo taxaabay kuwaas oo lasheegay in ay ka shaqeenayeen afgambigii dhicisooway ee dalkaasi ka dhacay sanadkii tagay.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil