Warar Wararka

Deg-Deg: Is Rasaaseyn Culus Oo Goor Dhow Ka dhacday Magaalada Muqdisho.

15.06.2017: Ugu yaraan labo askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey iney ku naf waayeen halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen israsaaseyn culus oo goor dhow oo fiidnimadii caawa ah ka dhacday xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamar weyne.

Israsaaseynta ayaa dhexmartay ciidanka gaarka ah ee Ilaalada Madaxtooyada iyo Ilaalada Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir ka dib muran soo kala dhex galay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in muranka uu ka dhashay ilaalada madaxtooyada oo diiday in gaariga taliyaha nabad sugida gobolka Banaadir uu gudaha u galo aqalka dowlada hoose oo caawa ay ka socoto xaflad lagu maamuusayo munaasabada 15-ka May taasoo uu ka qeyb galayo madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Rasaasta oo muddo kooban socotay ayaa khal-khal iyo saameyn ku yeelatay xafladii ka socotay aqalka dowlada hoose iyadoo dadka gudaha ku jiray ay argagax awgeed kala carareen, inkastoo markii dambe xaaladu ay caadi ku soo laabatay.

Madaxweyne Farmaajo ayaan weli gaarin aqalka dowlada hoose iyadoo ilaalada madaxtooyada ay halkaas u sii tageen iney xoojiyaan amaanka si adagna u kontroolaan cida galaysa gudaha xarunta dowlada hoose.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil