Warar Wararka

In kabadan 100 Qof Oo Cudurka Daacuun Calooleedka Ugu Geeriyooday Dalka Yemen.

Qiyaastii 115 qof ayaa cudurka daacuun calooleedka ugu geeriyooday Dalka Yemen tan iyo bilowgii bishan aan ku gudo jirno ee May sida ay sheegatay hey’adda ICRC.

sidoo kale ku dhawaad Nus Million isugu jira caruur, dad da’ah, iyo dumara ayaa sariir jiif la ah cudurka daacuun calooleedka sida laga soo xigta hay’adda caafimaadka aduunka oo marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan WHO.

Daacuun caloolkeedka ayaa fara ba’an kuy hayay shacabka dalkaasi yemen tan iyo bilowgii sanadkaan waxaan cudurkan uu galaafsaday inkabadan nolosha 500 oo qof oo ah mawaadiniinta dalkaasi yemen.

Dalka yemen ayaa ku jira xaalad aan wanaagsanayn waxaan hay’adaha gar gaarka sheegeen in kala bar dadka dalkaasi ah.

si kastaba dalka yemen oo waqtigan ay dagaallo ka jiraan ayaa hadana waxa shacabka dadkaasi intaasi u dheer xanuun waxaan alasheegay in dalkaasi uusan heysan goobo caafimaad iyo dhaqaatiir intuba ku filan guud ahaan bukaanada dalkaasi.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil