Warar Wararka

Israa’iil Oo Si Xatooya Ah Hawada Uga Saartay Isgaarsiintii Dalka Lubnaan

Danan: Dowladda Lubnaan ayaa dusha kaga tuurtay Maamulka Yahuudda mas’uuliyada weerarkii lagu soo qaaday isgaarsiinta iyo hawada dalkaasi intii ay socotay qudbadii hogaamiyaha xisbiga siyaasadda xisbullaha ee dalkaasi lubnaan ninka lagu magacaabo xassan nasrullaahi.

shalay oo sabti ahayd ayuu shaashada ugu weyn dalkaasi kaga qudbeeyay kumanaan taageerayaashiisa kamid ahaa markaas oo si kadi ah hawada looga saaray qadkii isgaarsiinta dalkaasi lubnaan.

war kasoo baxay wasaaradda isgaarsiinta dalkaasi Lubnaan ayaa lagu sheegay in weerarkii lagu soo qaaday hawada dalka Lubnaan ay mas’uul katahay Israa’iil oo lasheegay in ay ka lahayd dano gaar ah.

Hogaamiyaha xisbullaah ayaa fariin u diray wasaaradda arimaha gudaha dalkaas isaga oo kala hadlay qas qashaadkii lagu sameeyay isgaarsiinta magaalada caasimadda ee Beyruut halkaas oo uu kaga qudbeenayay taageerayaashiisa Xassan Nasrullaah oo ah hogaamiyaya Xisbiga Xisbullaah.

Si kastaba waxa ay tani xumeyn kartaa xiriika labada dowladood hadii lahelo cadeymo ku aadan in yahuudda ay ka danbeysay weerarkii loo geystay isgaarsiinta dalkaasi.

Wasaaradda isgaarsiinta dalkaasi lubnaann ayaa weli ku howlan baaritaanka cidii ka danbeysay weerarkaasi inkastoo warraka hordhaca ah ee ay wasaaraddu soo saartay ay sheegayaan in ay ka danbeyso Israa’iil.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil