Qormooyin Warar Wararka

Qormo: Muxuu Kheyre Kaga Duwanyahay Ra’iisul Wasaarayaashii Hore Ee Dalka Soo Maray

Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Maxamed Farmaajo oo ah madaxweyne garab weyn ka haysta shacabka Soomaaliyeed ayaa caleema saarkiisa kadib soo dooqday Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dad badan ay Su’aal ka keeneen maadaama uu yahay waji ku cusub saaxadda siyaasadda dalka.

Hadaba Xasan Cali Kheyre mayahay shaqsigii ay shacabka u qalmay muxuuse kagaduwanyahay Ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka soo maray.

Hadabaka bogo halkaan 5 qodob oo uu kheyre kaga duwanyahay kuwii ka horeeyey.

1) Dhex galka Bshadiisa: Saamaynta ugu weyn tan iyo magacaabistii Kheyre ayaaa noqotay sida uu uga soo muuqday bulsahada dhexdeeda iyo kulamada uu u la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada isagoo shaashadaha ay soo qabteen isaga oo la shaaxeenayo dhalinyarada islamarkaana booqday goobaha ay shacabka u dal xiis tagaan sida Beerta Nabadda Xeebta Liido iyo goobo kale oo ay shacabka isagu yimaadaan taas oo aan aan horey looga baran Ra’iisul wasaarayaashii ka horeeyay.

2) Ka Warqabka Shaqada: Kheyre waxa uu si weyn faraha uu la galay ogaashaha habsami u socodka shaqada shaqaalaha DFS ilaa heer hoose isaga oo baraha bulshada kasoo muuqday isaga oo ku howlan soo xaadirintaanka shaqaalaha Wasaaradaha Dalka iyo habka ay ushaqeeyaan taas oo meesha ka saartay shaqaalo badan oo mushaar macno darra ah qaadan jiray.

3) Go’aan wanaag: Tan iyo sidii uu u noqday Xasan Ra’iisul wasaaraha dalka waxa ay xukuumadiisa soo saarta go’aano badan oo inta badan shacabaka soomaaliyeed ay soo wada dhaweeyaan,

Goaanda ay xukuumaddsa kheyre soo saartay oo ay shacabku soo dhaweeyeen waxa kamid ahaa
Markii ay golaha wasiiradda soo saareen in aysan mas’uuliyiinta dowladda aysan wadan karin wax kabadan 4 istaaf iyo inaan loo ogolayn sidoo kale go’aanada ay shacabka soo dhaweeyeen ee xukuumadda kheyre soo saartay waxa kamid ahaa in ay xilkii ka qaadeen hanti dhowrihii guud ee qaranka kaas oo ilaaladiisa ay ku dhaqaaqeen fal ay ka wada xumaadaan shacabka soomaaliyeed

4) isla shaqeyn: caadi ahaan madaxweenayaasha dalka soo maray waxay caan ku ahaayeen inay iska hor imaadaan Ra’iisul wasaarayaasha ay soo magacaabaan inkastoo aan muddo dheer jirin lana qiyaasi karin isfahanka Farmaajo iyo kheyre hadana waxa muuqata ifafaalo wadashaqeyn iyo isfahan dheer oo ku dhisan kalsooni taas oo labada mas’uul ka dhaxaysa waqtigan.

5) Fulinta Goaanada: Waxa aan wax lala yaaba ahayn dhaqan gal la’aanta hadalada DFS maadaama ay hore caado u ahayd in aan laga dhabayn ballan qaadyada ay sameyso DFS hayeeshee xukuumadda Kheyre ayaa inta badan ka dhabeysa go’aanada ay soo saaraan golihiisa wasiirada taasna waa qodob kale uu kheyre kaga duwanyahay Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Dalak soo mara.

Qodobadaasi waa qodobada ugu cad cad ee Xasan Cali Kheyre uu kaga duwanyahay Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Dalka soo maray inkastoo aan lasaadaalin karin dabeecadda Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya maadaama uu yahay shaqsi nagu cusub hadana 5 tan qodob waxa ay horudhac u tahay casharada laga baranayo kheyre.

W/Q: C/rashiid Maxame Abuukar (Alifoow-Yare)
Fikradii Qiimeytii: Wariye Alifoow
Source: Radidanan.net
contact us: Danan94.0mhz@gmail.com
NB: Do not copy withot premission

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil