Sports

Liverpool Oo Rajo Xumo Ka Muujinaysa P.Coutinho

Kooxda Liverpool aya lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Roma ee  Mohamed Salah.

Reds ayaa doonaysa in ay markan nasiibkeeda ku tijaabiso xiddigan kadib markii ay kooxda chelsea saxiixiisa ku garaacday sanadkii 2014.

Xiddigan reer Egypt ayaa si toos ah ugu biiray kooxda Roma sanadkii hore bishii August laakiin waxa laga yaabaa in uu dib ugu soo laabto horyaalka Premier league.

Goal ayaa sheegaysa in Liverpool wax walba u samayn doonta si ay xiddigan u soo kaxayso garoonka Anfield si ay xilli ciyaareedka dambe ugu dagaalanto.

Liverpool ayaa sidoo kale diirada saaraysa xiddigaha Julian Brandt iyo  Alex Oxlade-Chamberlain kuwaas oo ay u dhaqaaqi doonto hadii ay ku fashilanto shaxiixa Salah.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com