Sports

Javi Martinez Oo Noqday Nasiib Laawe

Kooxda Bayern Munich ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu soo dhamaaday xilli ciyaareedkii xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Javi Martínez kadib markii uu xiddigan qaliin galay.

Bayern Munich ayaa bogeeda ay Internet-ka ku leedahay ku sheegtay warbixin ah in uu xiddigan seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib dhaawac soo gaaray xiddigan oo uu qaliin u galay.

Xiddigan reer Spian ayaa ku dhaawacmay isaga oo ku jira tartanka buur fuulid ah oo uu ku jiray maalintii Axadii la soo dhaafay.

Dhaawaca xiddigan ayaa xaalada ku sii xumeeyay kooxda Bayern Munich maadama ay kooxdu horay ula daalaa dhacaysay dhaawacyo badan oo ay ka mid yihiin Manuel Neuer iyo Jérôme Boateng.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil