Sports

Arseanal Oo Ka Cabsi Qabta In Ay Weyso Xidiga Ugu Muhimsan Emirates…

Weeraryahanka kooxda Arsenal Alexis Sanchez ayaa lagu soo waramayaa inuu marka hore dhameeysto xilli ciyaareedkaan ka hor inta uusan dhameeysan noloshiisa kooxda Arsenal, waxaana xidigaan uu ina badan ka caga jiidayaa inuu heshiis u kordhiyo kooxdiisa.

Daily Express ayaa warineysa in xidigaan uu marka hore ku mashquulidoono sidii uu kooxdiisa u caawin lahaa waxaa uu sidoo kale qabaa in kooxaha isaga soo dalbanayaa uu ka dhegeeysto dalabyada.

Bayern Munich ayaa kamid ah kooxaha xidigaan ku raad jooga waxaana kooxda reer Germany Sanchez ku baadi goobeysaa  lacag dhan £55million.

Balse xidigaan ayaa la ogaaday inuu sugidoono tayada kooxdiisa ee ciyaaraha Champions League iyo natiijada ay ka keenidoonaan Finalka FA Cup-ka.

PSG ayaa kamid ahayd kooxihii ugu dambeeyey ee xidigaan kusoo biiray waxaana ciyaaryahankaan uu rabaa in loo kordhiyo mushaarka waa haddii uu sii joogayo kooxda Arsenal.

”Waxaan hadlidoonaa hal jeer, waana marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan,waxaan dhameeynayaa ololaha hada ay kooxda ku jirto iyo sidoo kale inaan caawino saaxiibadeena ayuu yiri xidiga.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil