Warar

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Sharxaad Ka Bixiyay Wareegto Hore Uu Usoo Saaray

Guddoomiyaha cusub Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Taabid Cabdi Maxamed ayaa markii ugu horeysay kawar bixiyay is bedelka lagu sameeyay magaca Gobolka Banaadir,
Gudoomiyaha ayaa in aan wax is bedel lagu sameeynin magaca Gobolka Banaadir hayeeshee ay Doonayaan in ay dib Usoo celiyaan magicii Hore ee ahaa Benaadir hayeesheeshe waxa uu sheegay in mawaadinka uu xor u yahay in uu isticmaalo magacii uu doono.
Bishii hore ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir lagu faray waaxyaha kala duwan dowladda Hoose in wixii ka dambeeya ay magaca Banaadir lagu bedelay Benaadir, taasoo dad badan doodo iska soo horjeedo ka keeneen xaraf bedelkaas, iyadoo meelaha dadka ay aad uga hadal hayeen ay ka mid aheyd baraha bulshada oo siyaabo kala duwan looga hadlay xaraf kala bedelidaas ee BA iyo BE
“Wax magac Banadir oo la bedelay ma jiro aslanba, qofka muwaadinta ah Magaca BA ama BE, ha u qoro, kaliya waxa hada jawaheerka ka jiray oo umadda aysan fahmin waxay tahay arrimaha maamulka, si loo joogteyo waxay u baahan tahay wixii horay loo isticmaali jiray ee ku qornaa nuquladii iyo shuruucdii soo bilowday si ana u joogteyno oo xafiiska loo isticmaalo”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka hadlay qorshayaasha maamulkiisa, isagoo xusay inay qaadi doonaan tallaabooyin lagula xisaabtami doono cid kasta oo mas’uuliyad heysa, heer degmo illaa heer gobol, waxaana uu tilmaamay in musuq maasuqa uu qeyb ka yahay waxa ay la dagaalamayaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay qorshaha amniga, isagoo xusay in ahmiyada koowaad uu u yahay amniga, isagoo ka dhawaajiyay in dhowaan ay soo bandhigi doonaan qorshaha amniga Caasimada, iyadoo la dhisi doono Guddiga Amniga Gobolka Banaadir iyo Guddiyada amniga heer degmo.
Waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu diirada saari doono sidii uu uga shaqeyn lahaa is dhex galka bulshada, isla markaana kalsoonida shacabka kasban doonaan, iyagoo xoojinaya adeegyada bulsho ee aas aasiga ah.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com