Warar Wararka

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaaliya oo Caawa kulan la leh Xildhibaaanada Galmudug+Sawiro

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa Gelinkii dambe ee Manta waxaa gaaray Wafdi uu hoggaaminaayay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaaliya Cabdi Faarax Sicid Juxa.

Wafdiga waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaaliya,waxaan la sheegay in ay ka qeybgeli doonaan doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo la shaaciyay in berito ah ka dhici doonto Magaalada Cadaado.

Caawa ayaa wasiirka Arimaha gudaha iyo Wafdigii la socday waxay Cadaado kulamo kula leeyihiin Xildhibaanada baarlamanka Maamulka Galmudug.

Sawiro

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil