Warar Wararka

Madaxweyne Cosoble oo Maanta kormeeray Saldhigyo Ciidan+Sawiro

Madaxweynaha Hirshabeele Cali Cadulaahi Cosoble oo aay welinayaan Gudomiyaha gobolka Hiiraan tTliyaasha ciidamada dowlada iyo iyo Wasiiro ka tirsan maamulka Hirashabeele   ayaa manta kormeray xeryaha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM  aay ku leyihiin Buula Burte

Ujeedka kormeerka ayaa ah  u kuurgalid xaladaha ciidamada aay ku shaqeyaan iyo dhameynta med madoow soo kala dhexe galay ciidamada dowlada iyo ciidamada jabuuti  kadib dilkii maalin ka hor Degmada Buula Burte loogu geystay askari ka tirsan Ciidamada Jabuuti

Ugu horey Taliyaha ciidamada militiriga Gobolka Jen.Tawana Axmed Gurey ayaa falkaasi wax laga xumado ku tilmamay dardarana u jediyay ciidamada dowlada Soomaaliya in ay la shaqeeyaan ciidamada AMISOM

Madaxweyne cali cabdulahi cusuble ayaa ciidamada dowlada ka dalbaya in aay soo qabtaan shaqsigii dilka u geystay askariga jabuuti hadii Kale Uu Sii Jooge Doono ilaa inta baaritaanka laga dhameyn doono

In taasi kidib Maxadweyne cosobele ayaa booqday xerayaha ciidamada Jabuuti ee Buula Burte Korneel cilmi maxamed Habane Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM  ee gobolada dhexe ee somaliya ayaa sheekay in la ilaaliyo nabad galyada magaalada wax walibana baaritaano lagu sameeyo,

Ugu danbeyn madaxweyne cali cadulaahi cosoble oo ka tacsiyadeeyay dilka loogeytsay asgarigii jabuuti kana sheeyay doorka ciidan ka jabuuti aay ka qateen hormarka Gobolka Hiiraan iyo tayeenta ciidan dowlada ayaa shegay in aay cadalada lakeeni doono shaqsigii dilka geystay.

Sawiro

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com