Audio programs Warar Wararka

Dhageyso:Faalo Muwaanan Xal loo Heli karin Xaalada Adag ee Ay lahar Jadayaan xoola dhaqatadii Soo hayaantay

In kabadan 15 kun oo qoys qiyaastii oo xoola dhaqato iyo beeraley iskuuga jirta ayaa u soo hayaamay Xaga Xamar waxayna Xarumo ka dhigteen Boodka Xamar Markii ay Baaba,een xoolohii ay ku tiirsanaayeen Beer iskaba daa warkeeda.

Ba,ay iyo Allow ibixi ayay baroorta ku bilaabatay bilowgii Abaarta berkee loo kacaa oo badbaado leh markii ay badatay waxay ku soo biya shubatay in barinka uu ka bilowdo Boodka Muqdisho, badbaado Alla.

Badi waa ree mii oo aan u bilowneen Beldka iyo dhaqankiisa misana beerka uu Bel belayo Baahi aawadeed ileen Baahidu waa balaaye.

Boodka Muqdisho berkaad eegtaba waxaa kaaga bidhaamaya Buushash ,kuwa beransadana Mabar qurxoona.

Sababta waa xaalada adag ee ay soo mareen iyo wadadii dheereed ee diifta abaareed oo qaarkood ka soo lugeeyay deegaanadii ay ku noolaayeen.

Allaan ku dhaarteye sidaan si dhaanta hadii aan loo sameyn xaalkooda waa silac ku nool hadiiba ay samatabaxaan.

Adiguba saadaali saaka ilaa subaxa danbe hadii baad iyo biyo midna kaadegin sida xaalkaagu isku bedalayo .

Bal kawaran kuwaan oo baad iyo biyo midna meel ku ogayn walee waa xaalad adag oo tiiraanyo leh oo ka damqan karo qofkasta oo damiirleh bini aadam leh.

Bal soo fiiriya muuqaalkooda sida uu yahay iyo hoyga ay ku noolyihiin xaqiiqdii waa xaalad adag.

Dalka waxaa ka jirta dowlada inkastoo ay bilow tahay Madaxdu waxay magacaabeen gudiga gurmadka Abaaraha si ay ula xaalaan xoola dhaqatadii soo hayaanta ee xaalkooda halkaas uu marayo.

Markii lugu dhawaaqay gudiga waxay soo xareeyeen dhaqaalo lagu la tacaali karo qoysaska sida igayaba ay in badan ka dhawaajiyeen ,Gudiga mar ayay xoogaa ,xoogaa bixiyeen halkaas ayuuna xaalkooda uu joogaa.

Su,aasha is weydiinta mudan ayaa waxay tahay yay u keedinayaan kaalmada ileen qoysaskiiba gaajo ayay u geeriyoonayaane.

Hadii aaney jirin hagar Xal waa loo Heli karaa Xaalada Adag ee Ay lahar Jadayaan xooladhaqatiadii Soohayaantay.

Waxaa diyaariyay Weriye Faarax ibraahim Yacquub Email Gumeysidiid5@Gmail.com

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com