Sports Wararka

Arsenal oo baacsaneyso xiddig ka tirsan Barcelona

Naadiga ka dhisan Ingiriiska ee Arsenal, ayaa la oggaaday inay diyaar la tahay 25 milyan oo ginni, si ay u soo qaadato laacibka Barcelona ee Arda Turan.

30-sanno jirka Turan, ayaa boos joogta ah ka hellin Barca, tan iyo markii uu ka tagay kooxda Atetico sannadkii 2015-kii.

Ninka reer Turki, ayaa lala xiriirinayay inuu aadayo horyaalka waddanka Shiinaha, balse waxaa oggaaday kooxo ka dhisan qaaradda Yurub inay xiiseynayaan saxiixiisa.

Sida uu qoray wargeyska The Times ee kasoo baxo Ingiriiska, Arsenal oo ay u badan tahay inay lumiso Sanchez, ayaa u aragta Turan beddelka xiddigaas reer Chile.

Turan, ayaa dhalliyay 13 gool kaddib markii uu Catalonya kasoo muuqday xagaagan 29 ciyaarood, kaliya 13 ciyaar ayuu kusoo biloowday safka hore.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil