Audio programs Warar Wararka

Dhageyso:-Howl-Wadeenada Idaacadda Danan oo Maanta markale deeq gaarsiiyay Barakacayaal ku nool duleedka Muqdisho+Sawiro

Howl-wadeena Idaacada danan ee magalada Mugdisho oo aan kala harin ayaa maanta gaarsiiyay markii labaad Deeq kala duwan oo ay ka soo aruuriyeen dhagestayasheeda dadkii ka soo barakacay abaaraha ka jira dalka Soomalia deeqdaas oo isugu jirtay raashin iyo dhar intaba.

Dadkaan barakacayaasha ah ayaa ku jira kaamam ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho waxayna ahaayeen kuwo laga dareemayo duruufta abaareed ee heysato dadkaas.

Goobta deeqda loogu qeybinayay dadka kas oo barakacay abaarta ayaa waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidanka booliiska Somaaliya Maxamed Sheekh Xasan xaamud,iyo waliba sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib.

Agaasime ku xigeenka Warbaahinta Radio Danan Aadan macalin Cabdullaahi (Aadamo) ayaa sheegay in ay deeqdaan ay gaarsiyeen dad ka badan 100 qoys oo kamid ah dadkii ugu dambeeyay ee ka soo barakacay abaaraha ee soo gaaray Duleedka Magalada Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka (Aadaamo)

Riix Halkan

Dhanka kale gudoomiyaha deegaanka garas-baaley C/raxman Axmed Cali (Gar yare ayaa u mahad celiyay Howl-wadeena Idaacada danan wuxuune ugu baaqay dadka waxa heysto in lugu daysado radio danan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha

Riix Halkan

Ugu dabeen Agaasime ku xigeenka War-bahinta Radio Danan Aadan Macalin Cabdullaahi (Aadamo) ayaa baq u diray dhageystayaAsha War-baahinta Radio Danan in ay ugu gar gaaran walaalahooda Somaaliyeed.

Sawiro

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com