Audio Warar Wararka

Dhageyso:-Musiibo Caawa ka dhacay Duleedka M/Muqdisho

Hooyo iyo laba Carrur ah ay dhashay ayaa Caawa Maqribkii waxa ay ku geeriyoodeen deegaanka Kiiloo Mitir 13 ee duleedka Magaalada muqdisho gaar ahan agagaarka Isbitaalka Macaani.

geerida ayaa timid kadib markii Hooyada iyo labadeeda Caruur xili ay gooynayeen Wadada uu ku yimid gaari sidaasna uu ku jiiray taas oo ugu dambeen sababatay in ay geeriyoodaan.

Xaliimo Xasan oo kamid ah dadka deegaanka Kiiloo Mitir 13 oo la hadashay War-baahinta Danan Muqdisho ayaa waxay sheegtay in haweeneyda iyo laabdeeda caruur ay kamid ahaayeen dadkii dhawaan halkai soo degay kana soo barakacay abaarta ka jirta gobolada dalka ee qaar ka jirta.

Xaliimo ayaa intaas hadalkeeda raacisay in Hooyada iyo labadeeda Caruur ay isla goobtii ku geeriyoodeen islaamrkaana garigii jiiray uu goobta ka baxsaday.

Hoos Ka Dhageyso Codka

Riix Halkan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil