Audio Warar Wararka

Dhageyso:Madaxda Galmudug oo laga codsaday inay dib udhigaan Doorashadii ka dhici laheyd Cadaado

Xasan Cali kheyre raisulwasaaraha xukuumadda soomaaliya ayaa si faah faahisan waxa uu kga hadlay arimaha baaraha iyo guud ahaan xaaladaha dhabta ah ee xiligan ka taagan deegaanada maamulka Galmudug uu ka arimiyo xili la doonayo in magaalada cadaado lagu qabto doorasha hogaamiyaha maamulkaasi.

Waxa uuna raisulwasaaraha somaliya war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa uu ku dalbaday in dib loo dhigo doorashada waxa uuna yiray.

1-Raiisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa in Barlamaanka Galmudug uu doorashada dib u dhigo muddo dhan 45 maalmood si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah oo hoggaankiisa heshiis laga wada yahay.

2-Murashaxiinta Jagada Madaxweynaha Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay nala tixgeliyaan in la helo dib-u-heshiisiin iyo is afgrad, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu doorto hogaan raali ka yihiin dhammaan shacabka Galmudug.

3-Ugu danbeyntii waxan ugu baaqayaa shacabka Galmudug iyo hogaamiyeyaasha Bulshada Galmudug in fursadan taariikhiga ah loo wada guntado, si iyadoo loo dhan yahay loo dooran lahaa hoggaan u hordeeda bulshada nabad iyo horumar dhan walba ah.

Lama oga sida ay uqaadan doonaan gudiga doorashada maamulka galmdug hadalkan ka soo baxay Xasan Cali kheyre raisulwasaaraha xukumadada soomaaliya ee ku aadan in dib loo dhigo doorashadii ka dhaci laheyd magaalada cadaado.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil