Audio Qormooyin Warar Wararka

Dhageyso:-Macalinkii wax soo baray Madaxweyne Farmaajo’oo fariin u soo diray

Macalin Muuse waa barre hada wax ka dhiga Dalka Mareykanka,waxa uuna horay Macalin uga soo noqday dhowr School oo ku yaalla Gudaha dalka Somaaliya,gaar ahan Caasimadda dalka Somaaliya Muqdisho.

Macalin muuse ayaa ka sokoow waxa uu yahay Macalinkii Dugsiga Sare ee Madaxweynaha Somaaliya waqtigaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Macalin muuse oo ku sugan dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Minisoota waxana Warestay Cabduqaadir by:-Akhyar  isagoo kala sheekeestay arimo badan iyo waxa uu ka yaqaano Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Macalin Muuse oo loo yaqano Timo-jilic ayaa marka hore sheegay in intii uu macalinka u ahaa Farmaajo,uu ahaa nin wanaagsan islamarkaana dadkii wax la bartay ay aad u jeclaayen loona aqoon jiray Maxamed Bashiir.

Waxa uu sheegay in Farmaajo dhowr mar ay ku kulmeen Mareykanka islamarkaana ay ka wada hadleen sidii Ummadda Somaaliyeed dib la isugu soo celin lahaa maantana arintaasi ay muuqato.

Wuxuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in uu Madaxweyne Farmaajo,uu kula dardaarmayo in Ummada Somaaliyeed uu tuso in ay yihiin dad walaalo ah oo cadawgooda hal meel uga soo wada jeestaan.

Hoos Ka Dhageyso Qeybta koowaad ee Wareysiga Macalinka

Riix Halkan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com