Home / CIYAARAHA / Boss Alex Ferguson oo ku tilmaamay wax aan dhici karin in uu kusoo laabto tababarka Manchester!

Boss Alex Ferguson oo ku tilmaamay wax aan dhici karin in uu kusoo laabto tababarka Manchester!

fargee

Halyeygii naadiga Manchester United Sir Alex Ferguson oo 26 sano iyo bar tababare ka ahaa gegeda Old Traford ayaa sheegay in ayan suuroobi kareyn in uu dib ugu soo laabto kooxda k/c ee Man United oo uu la qaaday 38 koob ooo ay ku jiraan 13 koob oo ay horyaalka Premier Ship-ka.

Macalinka oo imminka nasiino ku jira ayaa saxaafadda u sheegay in uu galay nolol cusub uuna doonayo in uu dhowr wadan u tago dalxiis iyo nasiino ahaan, kooxda United uu aaminsan yahay in uu joogo macalin wanaagsan.

“inaan soo laabto ma suura galeyso, waxan galay nolol cusub, waxaan doonayaa inan booqdo meelo badan oo ay kamid yihiin Tuscany iyo France, waxan aadi rabaa Kentucky Derby” ayuu saxaafadda u sheegay Fargee.

Sidoo kale macalinka ayaa tilmaamay in Moyes uu ka bixi doono dhibta isla markaana uu guulo waaweyn soo hoyin doono isagoona tilmaamay in David Moyes uu yahay macalin khibrad ku filan heysta haddii la maalgaliyana wax badan uu badali doono.

“Manchester waxay heystaan Moyes waa tababare wanaagsan, wax waliba wuu awoodi doonaa” ayuu yiri Alex.

Dhanka kale 71 jirkan ayaa ka hadlay waayihiisii Sporti ee uu lasoo qaatay naadiga United oo uu tilmaamay inaau ilaaweyn waqtigaasi dahabiga ah, wuxuuna tilmaamay in 2003-dii markii uu Roman Abromavich iibsaday kooxda Chelsea lala soo xiriiray isaga si uu u leyliyo naadiga The Blues hase ahaatee Ferguson ayaa sheegay in uu diiday arrinkaasi una sheegay Abromavich in aanu heyn fursad, uuna ka doorbidayo joogista Man United.

naadiga Manchester imminka waxay leedahay oo qura 7 dhibcood iyadoona ku jirta booska 12aad ee kala horreynta horyaalka Britain waxayna ciyaartay 6 kulan, sidoo kale  5 tii kulan ee ugu dambeysay ee ay ciyaareen 3 kamida waa laga badiyey 1 bar-barro ayey galeen, caawana waxay la ciyaari doonaan naadiga Shakhtar Donetsk kulan katirsan horyaalka qaaradda Europe ee Champions League.

nurholac@gmail.com

One comment

  1. Very descriptive post, I enjoyed that bit.

    Will there be a part 2?