Audio Qormooyin Warar Wararka

Dhageyso:Dhibane Soomaaliyeed oo dalbaday in laga Gacansiiyo Mareeynta Noolashiisa (Warbixin)+Sawiiro)

In kasto ay jiraan Dad badan oo ay heysato dhibaato xaga Nolasha haba kala darnadaate hadana waxaa jira kuwo aan awoodin in ay Noolashooda ay Maareeyaan.

Axmed Cali Xasan waa Wiil da’ahaan aan ku qiyaasay 33 Sano kuna Nool Degmada Hilawa gaar ahaan Xaafada Suuqalaha waxa uu sheegay in uu yahay Xaasle Afar Caruur ah heeysta Islamarkaana Hooyadii dhashay Caruurta ay qalan tahay Mudo Isbuuc ah.

Waxa uuna tilmaamay in ay Maalinti la qalayay uu u wayay Lacag uu Bajaaj ku saaro,isgoona carabka ku dhuftay in wali lacagtii qalinka lagu lee yahay, Waxa uuna tibaaxay in mudo 4 sano ah ay heysto Xaalad xaga Nolasha oo liita ,isgoona hadalkiisa inta uu ku daray in Abahiis oo Waayeel ah oo Xanuunsan uu Guriga uu jiifo una awoodin Lacag uu isbitaal uu ku Geeyo.

Sidoo kale isagoo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in Hooyadiis oo heysta 9 Caruur oo asiga la dhashay ay dhibaato ku heysto Miiga kuwa oo sida uu sheegay heysatay 40 neef oo Ari ah laakiin mudo 2 sano ee ay kaga la,deen Abaarta Dalka ka jirta, waxa uuna Xusay in ay san heysan wax ay wax ku qabsadaan.

Dhanka kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Farmaajo uu ka Codsanayo in wax ka badalo Nolashiisa Maadama sida uu tibaaxay ay Mareyso in Nin Ganacsada ah uu ku yiri ii Ibi Canugaaga Curadka ah.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda iyo cid walba oo awooda in ay ka caawiyaan sidii uu Aabihiis u geyn lahaa Isbitaal si uu u daaweeyo Madama Noolashiisa ay Halis mareyso.

dhibaatada heysata Axmed ku oo kaliga asiga waxaa jira dad isaga lamid ah oo aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashaadka laga doonayo kuwaas ooo u baahan in la caawiyo.

hadaba Cidi walba oo doneysa in ay Caaweyso dhibanahaas waxa ay kala xirir karaan taleefan Numberka 0618165201.

waxana ka diyaariyay Warbixintaan Maxamed Axmed Mursal ( Sacuudi)

Hoos ka Dhageyso Warbixinta

Riix Halkan

Sawirro

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com