Audio Maqaalo Warar Wararka

Dhageyso:Guusha Farmaajo waa Guul u soo Hoyatay Shacabka soomaliyeed Balse Gumaadka Dalkayna Gaabka la jecel waa U guul darro(Faallo)

08 bisha Feb 2017 oo ku beegneed maalin arboco ahy ayaa Doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho waxa ku soo baxay Mudane Maxmed C\laahi Farmaajo oo haatan ah Madaxwaynaha Jamuuriyada Federalka soomaaliya oo noqanaya Madaxwaynihii 9aad ee Dalkayna soo mara tan iyo 1960.

Mudane Farmaajo waa Madaxwaynaha ugu shacbiyada badan marka lala bar dhigo Madaxwayn ayaashii kale ee Dalka soo ,maray waxaana wali qaar ka mid ah Gobalada Dalka ka soconaya Banaan baxyo lagu taagerayo Madaxwaynaha Dowlada cusub ee afarta sano ee soo socota .

22 musharax oo ku soo xaadiray Hoolka doorashadu ay ka dhecasay ayaa farmaajo ,kasoo dhaxbaxay in kastoo Xasan sheikh Maxmuud uu tanaasulay mar dambe xili la isku diyaarinayay in loo gudbo wareega 3aad waxaana mar qura dadkii kuwada dhashay dareen gooni ah oo xitaa Qaar ka mid ah Baarlamankii ay kuraasta ku istaageen ka hor iunta aan Xasan sheikh uusan shaacin hambalyada uu ugu tanaasulayay madaxwayne Farmaajo.

Inkastoo Soomaliya ay guul gaartay Riyada shacabka soomaliyeedna ay rumoowday Baarlamanka labadaaqalna ay ka dhabeeyen Riyada iyo Hamiga shacabka soomaliyeed ayaa waxaa jirto hal arin oo loo baahanyahay in uu qof kasta maanka ku hayo taa oo ah u jeedka igu dhaliyay in aan diyaariyo qoirmadan kooban oo aan ciwaan uga dhigay { Guusha Farmaajo waa Guul u soo Hoyatay Shacabka soomaliyeed Balse Gumaadka Dalkayna Gaabka la jecel waa U guul darro }

Dib u xasuuso dhegaystoow 6dii Bil ee uu R W ahaa Mudane farmaajo Dowladii Kmg eheed ee uu Hugaaminayay Sh Shariif waxa uu sameeyay Hormar badan oo un riyaqeen shacabka soomaliyeed balse la isma waydiin maxaa diiday in 6 bil oo kale loogu daro si uu usi sameeyo Hormar kale oo kaa ka duwan.

Sida aynu ognahay Dalkayna waxa uu lahaa Risul wisaare Madaxwayne iyo xubno kale oo la aaminsanyahay in ay yihiin Dowlada dhamaystiran inkasoo La aaminsanyahay in in siyaasadda soomaliya laga maamulo meelo Dalka ka baxsan taa oo Dadka qaar ay aaaminsanyihiin in aanaba Dalka Hormar loo ogolayn.

Abukaate Cabdi wali Yuusuf Cumar oo ka mid ah sharciyaqaanada soomaliya ayaa ka shekaynaya waxyaabaha uu ka xasuusto sabibihii dhaliyay in Xilka Risul; wisaarinimo laga qaado Mudane Farmaajo kaa oo 6 bil oo qura oo uu joogay Xafiiskaas sameeyay Hormar badan oo lala wada dhacsanaa .

Dhinaca kale Siyasiyinta soomaliyeed iyo Aqoonyahanada soomaliyeed ayaa ku kala aragti duwan waxyaabaha ka dhalan kara Necaybka Farmaajo uu u qabo Dowladaha shisheeye kuwaa oo faragelinta Qaawan la damacsan siyaasada soomaliya.

Markale Abuukaate Cabdi wali Yuusuf cumar ayaa ka hadalaya waxyaabaha ka dhalan kara hadii farmaajo uu san wanaajin Xariirka beesha Caalamka waxa uuna uu xusay in danta Dalka soomaliya ay ku jirto in uu wanaajiyo Xariirka Dalaka Soomaliya Taagera sida uu Hadala uy dhigay.

Sida aynu ognahay Dalkayna waxaa taagera Dalal dhowr ah kuwaa oo qaarkood la aaminsanyahay in Dantooda ka fiirsadaan Balse Qudbadihii Mudane Farmaajo ee xiligii uu ahaa musharax madaxwayne ayaa laga dheehan karay Neceayb uu u qabo Dowlada shisheeye ee fara gelinta qaawan la damacsan siyaasada soomaliya Balse waxaana waxyaabaha ka dhalan kara arintaas ku kala aragti duwan Siyaasiyiinta soomaliyeed.

Dhammaad

Waxaa qoray Wariye Jacfar Maxmed Cali

Gmail:Jacfar893@gmail.com

Tell: 0615440386 ama 0699833999

Hoos ka Dhegayso

Riix Halkan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil