Audio Maqaalo Warar Wararka

Dhageyso:-Yaa lagu aaminaa xilka Madaxweynaha Somaaliya ma deriska mise wadani aan daalin {faalo }

Yaa lagu aaminaa xilka Madaxweynaha Somaaliya waa su’aal taagan oo u baahan in leys weeydiiyo waayo hada waxaa u taagan musharixiintii ugu badneed ebid ee u tartanka xilka madaxweynaha Somaaliya taariikhda inta la xasuusto.

Markii aad milicsato dowladdihii dalka soo maray iyo dadka siyaasada ku jiray sida maanta xilka loo jecel yahay weli ma dhicin taasina waxaay muujineeysaa in musharixiintu ay fari ku godan tahay.

Musharixiinta qaarkood ayaa la sheegaa in dalka iyo dadka Somaaliyeed dambi ka galeen halka kuwo kale ee Siyaasadda ku cusub ay yihiin kuwo qurba joog ah oo heesta dhalashada wadamada Caalamka qaarkood.

Xasan sheikh maxamuud madaxweynihii waqtiga xilheynta ay dhamaatay kana mid ah musharixiinta madaxweyne ayaa kamid ah hoggaamiyaasha loo arko in dowlad gaar ah ay wadato gaar ahaan itoobiya in kastoo uusan weli laga heyn jawaabta ah run ama beenin.

Doorka shacabka ee doorashada

Shacab wax ma dooranayaan ee waxaa wax dooranaya waa xildhibaan wakiil ka ah inta ay ka kooban tahay Somaalida,umana muuqata in ay wadaan wax dan u ah shacabka Somaaliyeed sidaasi ayay qabaan dadka qaarkood.

Hadii shacabku ahaan lahaayeen kuwo door ku leh doorashada Madaxweynaha Somaaliya dalkeena sidaan ma ahaadeen waxaana meesha ka bixi laheyd dhibaatooyinka ay sababeen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Doorka Beesha Caalamka
Xanta Siyaasadeed ee dhanka doorashada ayaa ah in musharixiinta qaarkood ay wataan wadamada deriska qaarkood iyagoo fiirsanaya danahooda qaaska ah si uu u guuleesto hoggaamiye u fuliya dantooda in kastoo madaxda qaarkood taasi aysan ka jawaabin.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaaliya ayaa saacadihii u dambeeyay galay mashquul ku saabsan cida ay codkooda siinayaan 8 Bisha Fembaraayo oo saacado kaliya naga xigaan waa hadii ay ka helaan xoogaa qadaadiicda ah ee horay loo bartay islamarkaana aana aheyn wax qarsoon.

Doorashada beri ayaa ah mid ka duwan tii 2012,kii ee lagu dhisay dowladda federaalka ah ee Somaaliya waayo waxaa lagu xasuustaa Xildhibaano ku cusub baarlamanka Somaaliya iyo baarlamanka oo markii ugu horeysay laga dhigay labo Aqal Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose oo labadaba codkooda uu furan yahay.

Maxaa laga dhaxli karaa hadii uu xilka ku guuleesto hoggaamiye aan fiirin danaha shacabka ee ka hormariya danta deriska iyo tiisa qaaska ah.

1:Xaalada dalka uu marayo oo noqota mid ka sii darta sida abaarta,dagaaalada iyo waxyaabo kale kuwaas oo noqon doona kuwa aan la iloobi doonin.

2:Baahi saameysa dadka iyo Duunyada iyo waliba sidoo kale madaxda qaar ee xilka ka qabta dowladda soo socota hadii uu helo hoggaamiyihii aan kor ku soo xusay.

3: Kalsooni xumo Somaaliya uga timaada dhanka dowladdaha saaxiibka dhaw la ah Somaaliya islamarkaana ka taageera dhanka amniga,dhaqaalaha iyo waliba sidoo kale baahiyaha kale.

Sadaxda qodob aan soo sheegay kaliya lagama dhaxli doono hadii uu ku guulesto doorashada Madaxweynaha Somaaliya balse waxaa jira qorshooyin kale ee uu la imaan doono in kastoo aan laga hordhici Karin.

Gaba gabadii oon biyo ayaa loo cabaa gaajana raashin laakin Nabadda ay u baahan yihiin Shacabka Somaaliyeed ma ahan mid dheel dheel ku imaaneysa iyo isha ii muuqata waxaase laga war sugayaa 8,da bishaan oo beri ku beegan natiijadii soo baxdaana ay noqon doonto mid laba waxyaabood la timaada deeq ama deeyro waxaysa taagan tahay Yaa lagu aaminaa xilka Madaxweynaha Somaaliya ma deriska mise wadani aan daalin.

W/Q C/qaadir Maxamed Nuur Jakaarta
tel: 0615827669
ama 0617243127

Hoos ka Dahgeyso Faalada oo uu soo jeedin doono Wariye Cabdullaahi suleymaan Maxamed(Baliil)
Riix Halkan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil