Audio Warar Wararka

Dhageyso: Dhibaatada ka taagan Degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Towfiiq ee gobolka Mudug ee dhanka Maamulka Puntaland Cabdi Daari Axmed cali oo wareysi siiyay Barnaamijka Guuxa wararka ee Radio Danan ayaa waxaa uu ka qeyla dhaamiyay xaalada Abaareed ee ka taagan deegaanada Miiga ah ee ku dhow dhow Degmadaas ee ay ku nool yihiin Qoysaska Xoolaha dhaqatada ah.

Wuxuuna intaas warkiisa ku daray in xiligaan ay taagan tahay Abaar ba`an oo xoolahii oo dhan baabi`isay.

Degmada Towfiiqna ay ku soo qaxeen in kabadan 250 qoys oo xoolahoodii Abaarta la tagtay.

Waxaaa uu aduunka ugu baaqay in Gurmud lala soo gaaro Degmada Towfiiq iyo nawaaxigeeda.

Hoos ka dhageyso

Riix halkaan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com