Warar Wararka

Hogaamiyaha Maamul Goboledka Jubbaland oo Hambalyo u diray Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Mdoobe ayaa u hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha wuxuu xusay in shaqo wanaagsan oo dhinaca nidaamka dowliga ah ay qabteen xildhibaanada Cusub taas oo Soomaaliyada Cusub ku hagaysa wadada Dowladnimada.

Hogaamiyaha Maamul Goboledka Jubbaland Axmed Mdoobe ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari uu yahay nin Aqoon leh waxbadana kala socda Siyaasada Soomaaliya hagi karana Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.

Hogaamiye Axmed Madoobe waxaa kale oo uu sheegay in sidaas si lamid ah looga baahan yahay Aqalka Sare in ay doortan dad wax gal ah oo la jaanqaadi kara Siyaasada Dalka.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil