Warar Wararka

Dagaal Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac geestay oo ka dhacay Degmo ka tirsan G/Galgaduud

Wararka anu ka heleyno Degmada Cabduwaaq ee Gobolka Galguduud ayaa waxa sheegayaan in gilinkii dambe Dagaal ka bilaawday Degmada Caabudwaaq kaa u dhaxeeya laba maleeshiye beeleed.

Wararka ayaa waxa ay tilmamayaan in Dagaalka in ay ku dhinteen 5 qof tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen,sida aan wararka anu ku helnay

Dhanka kale wararka qaar ayaa waxa ay tibaxayaan in odayaasha iyo waxgaradka laba beelood oo magaalada wada dega dhowr jeer magaalada ku Dagaalamay ay heshiis kala saxiixdeen,iyadoo Wararka ay sheegayaan in dagaalka uu salka ku hayo aanoyin qabiil oo u dhaxeysa beelaha ay kasoo kala jeedaan labada maleeshiyo ee dagaalka uu dhex maray Maanta.

Ma ahan markii ugu horeeysay uu Dagaal Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac leh uu dhexmarayo Beelaha Walaalaha ah ee wada-daga Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com