Warar Wararka

Cabdikariin Guuleed oo gaaray Cadaado Muxuu la kulmay+Sawiro

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo shalay Baarlamaanka Maamulka Galmudug kala noqdeen Kalsoonida ayaa maanta si deg deg ah ku gaaray magaalada Cadaado, isagoona diyaarad gaar ah ka qaatay magaalada Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada cadaado ayaa waxa ku soo dahweeyay Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Maxamed Xaashi Carabeey,Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda iyo Kuwa Amisom iyo sidoo kale Shacab aan tiro badneyn.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ayaa waxay sheegayaan in wafdiga Guuleed iyo xubnihii la socday ay tagen xarunta Madaxtooyada Galmudug iyagoo halkaas kulamo kula leh masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Odayaasha Galmudug.

Booqashada Cabdikariin Guuleed oo manta ku tagay ayaa imaaneeysa xili Shalay xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay Shalay shaaciyeen in kalsoonidii kala laabteen cabdikariin Xuseen Guuleed.

Sawiro

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com