Dhageyso:-Qaabkii ay u dhacday doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka

0

Muqdisho Maanta waxaa ka dhacday doorashada Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Somaaliya ah ee Somaaliya waxana Kulanka lagu dooranayo Gudoonka soo xaadiray Xildhibaano gaaraya 459 Mudane kuwaas oo u kala Codeynayay Afarta Musharax ee kala ah Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Cabdirashiid Maxamed Xidig Idiris Cabdi Dhaqtar iyo Cabdifitaax Maxamed Ibraahiim geeseey.

259 Mudane ee goobta doorashada ku sugan ayaa codkooda dhiibtay waxaana soo gaba gaboowday Tirinta Codadka iyadoo lagu dhawaaqay Natiijada lagu kala guuleestay.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari 141 Cod
Cabdirashiid Maxamed xidig oo helay 97 Cod
Cabdifaax Maxamed Ibraahim Geeseey oo helay 17 Cod
Halka Idiris Cabdi Dhaqtar uu helay 2 Cod.

Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Cabdifaax Maxamed Ibraahim Geeseey ayaa dhamaantood waxa ay sheegeen in ay soo dahweynayan doorasahda looga guuleestay iyagoo u hambalyeeyay Guusha Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Xidig iyo Geeseey.
Riix Halkan

NO COMMENTS