Warar Wararka

Puntland oo soo bandhigtay Saanad Meleteri+Sawiro

Saraakiisha Ciidamada hawlgalada ka fulinaya Degmada Qandala iyo degaanada hoos yimaada ayaa soo bandhigay saanad Milateri iyo waxyaaba kale oo ay ku sheegeen in ay kala wareegeen Kooxda Daacish.

Goobta Hubkaas lagu soo bandhigayay ayaa waxaa ku sugnaa Madax uu kamid yahay Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,iyo Saraakiishii qeybta ka aheyd howlgalkii Qandala.

Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa Ciidamada ku booriyey inaysan ka daalin difaacidda dalkooda hooyo, isla mar ahaantaana ay dardar geliyaan dadaalka dheeriga ah ee ay ugu jiraan inay ka difaacdaan cadawga dhulkooda ku soo duulay sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Cabduweli Maxamed Cali Gaas,ayaa kormeeray furumaha hore oo ay fadhiyaan Ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Kooxda Daacish ee dhawaan weerarka ku qaaday deegaano ka tirsan Puntland.

Sawirro

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil