Audio Maqaalo Qormooyin Warar Wararka

Dhageyso:-Idinkaa moodaye libaaxu ma dhiman ee wuu hurdaa(Faalo)

Dunidan aynu kunoolnahay waxa inta badan ka jira nidaam kala danbeyn dowladnimo iyo dastuur kala haga xaquuqda noole walba uu dunida kuleeyahay.

Kadib dagaal weynihii labaad ee dunida waxa dunida laga aas aasay ururka Qaramada Midoobe kaas oo ay ku midoobeeen dhammaan Wadamada caalamka.

Ujeedka iyo hadafka loo aas aasay waxa kamid ah si loo helo xal waarta dunidana dagaal danbe dib uga dhicin in la ciribtiro gumeysiga lana siiyo wadan walba xuquuqda uu leeyahay in dowladi aanu ku xadgubin ama dowlad kale ama aysan fara gashan hadii aanu heshiis jirin.

Somaliya waxa ay kamid tahay wadamada qeybta ka ah Qaramada Midoobe hadana mahaysato xaquuqda wadan ahaan ay leedahay iyo xoriyadba sidoo kale waxa jira gumeysi mid muuqda iyo mid aan muuqanba taas oo mamnuuc ah marka la eego hashiiska iyo dastuurka u yaala qaramada midoobe hadana waxa ay kamid tahay qaramada midoobe.

Itoobiya waa mid kamid ah wadamad deriska la ah Soomaaliya waa wadan si weyn faraha kula jira maamulka goaanada iyo siyaasadxa dalka waxa ay dadku qaarba aaminsanyihiin in soomaaliya ay tahay maamul goboleed hoos taga itoobiya marka loo eego halka ay kasoo fulaan isla markaana ay kasoo baxaan amarada sidoo kle waxa waqtigan inbadan ku sugan soomaaliya tiro ciidamo itoobiyaan ah kuwaas oo aan cadadooda la ogayn majirto cid la xisaabtanta ama xukuumad dabagasha
Sidoo kle itoobiya waxa ay marba marka kadanbeysa dhulbalaarsi kasameysaa qaar kamid ah gobolada galbeedka soomaaliya iyadoona kal hore si awood ah kula wareegtay dhulka ay ugu magac dartay kelin amist oo la macna ah gobolkii shanaad.

W/D/Wariye Cabdirashiid Maxamed Abuukar (Alifow)

Hoos Ka Dhageyso Faalada
Riix Halkan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil