Daawo:- Daahir Xaaji Boqore oo loo Caleemo saaray Gudoomiyaha Beesha Qubeys Direed ee Dalka Ingiriiska

0

Jaaliyada Somaaliyeed ee Beesha Qubeys Direed ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa doortay Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaaliyeed ee Beesha Qubeys direed ee ku nool Gudaha dalkaas.

Munaasabad ka dhacday dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka qeyb galay Odayasha iyo Waxgaradka Beesha Qubeys Direed iyo waliba Siyaasiyiin Caan ah oo lagu marti qaday kuwaas xilal ka soo qabtay dalka sida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdi KM,gaarka ah aheyd Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Cabduqadir Cali (Boolaay) oo kamid ahaa Halyeeyadii Ururkii dhalinyarada SYL iyo waliba sidoo kale Fanaanka Somaaliyeed Axmed Naaji Sacad iyo Marti Sharaf kale.

Munaasabad ayaa waxaa ugu dambeyn gudoomiyaha Beesha Qubeys direed ee dalka Ingiriiska waxaa loo doortay Daahir Xaaji Boqore oo ah Nin wax abdna u qabtay bulshada Qowmiyada Qubeys direed.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdi KM,gaarka ah aheyd Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa doorashadaas ku tilmaamay mid wax badan kusoo kordhin doonta Beeshaas Marti qaaday isagoo soo dhaweeyay wuxuuna Daahir Xaaji Boqore oo loo doortay Gudoomiyaha uu yahay mid ka soo bixi kara Xilka loo dhiibay.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka

NO COMMENTS