Warar Wararka

Shirka Madasha Wada Tashiga oo Maanta Muqdisho ka furmaaya

Shirka Madasha Wada Tashiga hoggaamiyaasha Somaalida ayaa Maanta la filayaa in uu ka furmo Caasimadda Somaaliya ee Magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb geli doona Madaxda Maamul goboleedyad dalka iyo waliba sidoo kale Madaxda ugu sareysa dowladda Somaaliya.

Shirka ayaa sida lagu Go’aamiyay shirkii kan ka horeeyay ee dhawan lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadli doonaa Saamiga ay Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somaaliya ku leeyihiin dadka dega gobolada Sool iyo Sanaag oo Puntland ay ka soo horjeeday in Muqdisho lagu doorto.

Madaxda ka qeyb galeysa Shirkaas ayaa doodooda kadib waxaa la filayaa in ay soo saartay halka sioda rasmiga ah loogu dooran doono Xildhibaanadaas maadama Puntland ay weli qabto tabashada ku aadan in loo weeciyay dhanka Maamulka Somaaliland.

Wixii Shirkaas ku soo kordha kala socda Radiodanan.net

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil