Sports Warar Wararka

Rasmi: Ronaldo oo ku guleystay abaal marinta Ballon D’or 2016 oo france football bixiso

cristiano Ronaldo ayaa markii afraad ku guulaystay abaal marinta shaqsiga ah ee xidiga aduunka ugu fiican ee Ballon d’Orka kadib markii uu Lionel Messi iyo xidigihii kale ee la tartamayay ku garaacay codbixintii ay suxufiyiinta ay France Football u soo xulatay ka qayb galka abaal marintan.

Xidiga Real Madrid iyo xulka qaranka Portugal ayaa si rasmi ah ugu guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ka dib markii uu kooxdiisa ku hogaamiyay hanashada Champions League islamarkaana uu wadankiisa u qaaday koobkoodii ugu horeysay qaramada yurub ee Euro 2016.

Majalada France Football oo si rasmi ah us shaacisay dhamaan codkii iyo kaalmihii ay kala galeen xidigihii u tartamayay abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee ay sanadkan si gaar ah u bixinaysay France Football taas oo abaal marintan aas aastay sanadkii 1956 kii ee Ballon d’Or oo ay dib ugula soo laabtay FIFA ayaa haddaba bilawday shaacinta qaybtii loo kala helay codkii la bixiyay iyo waliba kaalmihii ay kala galeen 30 kii ciyaartoy ee ku soo baxay liiskii ay France Football shaacisay bishii October.

tan iyo 2008 markii uu Ronaldo ku guuleystay abaalmarintiisii ugu horeysay ee Ballon d’Or isaga iyo Messi ayaa kala qeybsanayay sannad walba. Messi waxa uu haatan heystaa shan abaalmarin oo Ballon d’Orka ah halka Ronaldo uu heysto afar.
Isagoo ka hadlayay abaalmarinta uu ku guuleystay waxa uu yiri:

“Waan faraxsanahay, waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo asxaabta aan isla ciyaarno oo dhan haddii ay ahaan laheyd xulka qaranka ama Real Madrid, dhamaan dadka iyo ciyaartoyda iga caawiyay inaan ku guuleysto abaalmarintaan shaqsiyadeed.

“Sida aad qiyaasi karto waxaan ahay mid sharfan, waana ku faraxsanahay inaan helo kubadaan cajiibka ah, aad ayaan u faraxsanahay.”
Kabtanka Portugal ahna xiddiga Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay kooxdiisa ku hogaamiyay Champions League halka uu dalkiisa u qaaday koobka Euro 2016, waxaana ay taasi keentay inuu abaalmarinta Ballon d’Or ku garaaco sannadkaan ninka ay xafiiltamaan ee Lionel Messi.

Ronaldo ayaa haatan dhaafay halyeeyada Michel Platini, Johan Cruyff iyo Marco van Basten kuwaasoo seddex jeer ku soo guuleystay Ballon d’Or waxaana uu kaliya hal abaalmarin ka danbeeyaa xiddiga shanta jeer hantay ee Lionel Messi.

Sanadihii RONALDO uu ku guuleystay abaal marinada ballon D’or
2008: Cristiano Ronaldo
2013: Cristiano Ronaldo
2014: Cristiano Ronaldo
2016: Cristiano Ronaldo

1481570096717794

czf3utiw8aaxco4

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil