Sports Warar Wararka

Riyad Mahrez ayaa noqday Cayaaryahanka Africa ugu wanaagsan ee BBC ee 2016

Xidiga xulka qaranka Algeria iyo kooxda Leicester City ee Riyad Mahrez ayaa ku guulaystay abaal marinta BBC-da ee xidiga sanadkan 2016 qaarada Afrika ugu fiicnaa, wuxuuna abaal marintan ku mutaystay qaab ciyaareedkii layaabka lahaa ee uu kooxdiisa Leicester City xili ciyaareedkii h–e ku soo bandhigay.
Mahrez ayaa u sheegay qaybta caayaraha ee BBC Sport: “Dabcan Macno banad ayuu ii sameynayaa, waxaan ahay Afrikaan, Waana wax kuweyn weyn cayaaryahanada Afrikaanka ah ayaan filayaa, markaa aad ayaan u faraxsanahay, aadnna ayaan ugu faraxsanahay uguna qanacsanahay inaan helo”

Abaalmarintan ayaa ka dhigan sannadkan xusuusta gaarka u leh 25 jirkan, kaasi oo mar horeba ku guulaystay darajadda laacibka horyaalka kubadda cagta Ingiriiskaee Premier Leauge-ga ee sannadka, isagoo ay u codeeyeen xirriirka cayaartoydda xirfadlayaasha ah.

Mahrez ayaa la aqoonsaday hannaan cayaareedkiisa wanaagsan ee mucjisadda garabka,kaasi oo ay qoyskiisa ka yimaadeen magaaladda yar ee El-Khemis ee Al-Jeeriya, wuxuuna ku noqday Premier League duufaan.

Wuxuu ahaa xooggii waday kooxdda Leicester City ee sida lama filaanka ah ku ugu guulaystay horyaalka, isagoo dhaliyey 17 gool isla markaana 11 gool inay dhaliyaan ku caawiyey kooxdda Dawacooyinka ee sida aan la filayn uga guulaystay saadaalintii ahayd 5000-1 inay kooka qaadaan bilowgii xilli cayaareedka.

Bishii May Mahrez wuxuu noqday Afrikaankii ugu horreeyey ee loo codeeyo cayaaryahanka ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska ka dib markii ay u codeeyeen laacibiinta ay isku jaalka yihiin, laba sano oo kaliya markii uu ku biiray kooxda Leicester isagoo ka yimid naadiga Le Havre oo looga soo iibsaday 400,000 oo lacagta British-ka.
waxuuna ku garaacay xidiga kooxda liverpool sadio Mane

_92940482_somali-composite-instagram-winner-1080x1080px

czfmlv3xeaequ0x

czfnaybwiaextt_

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil