Audio Maqaalo Qormooyin Warar Wararka

Dhageyso:-Hoonka Saa’idka ah ee Darawalada Gaadiidka ay yeerinayaan ma masuuliyad daraa mise waa maslaxad Wada furasho(War-bixin)

1991 waxaa burburay nadaamkii lagu hagi jiray gawaarida Bii’elka iyo kuwa xamuulka qaada nidamkaas oo ay hagi jireen ciidanka loo yaqaano taraafikada.

marka aad marayso wadooyinka muqdisho waxa ay indhahaagu qabayaan noocyada kaladuwan ee gawaarida oo dhaxtaagan bartamaha laamiga iyo kuwa xawaara saa’id ku maraya wadada ‘dhagahaaduna waxa ay maqlayaan dhawaqa hoonka gaadiidka oo ay si saa id ah u yeerinayaan darwalada kaxeeya gawaarida.

Mar aan u tagay howla shaqo isgoosyada muqdisho qaarkood ayaa waxa ay indhahaygu qabanayeen Gawaari xawaaro xoog leh ku goonaya laamiga kuwaas oo ay u dheereed yeerinta dhawaqa hoonka saa’idka oo ku qalqalgalinaya dadka maraya laamiga iyo kuwa isticmala Bii’elka.

Qaar kamid ah dadkaas oo aan la dhaxmaray codbaahiyaha warbaahinta danan ee magaalada muqdisho waxa ayna ka cabanayeen dhibaatooyinka ay kala kulmayaan wadayaasha piielka dhibaatadaas oo ay sheegeen inay tahay dhawaqa hoonka oo ay darwalada si xad dhaafka ah u yeerinayaan marka ay marayaan wadooyinka muqdisho waxayna xuseen dadkaas in marka darwalada kaxeeya Bii’elka ay ka codsadaan inay xakaameyaan hoonka faraha badan aysan dhag jalaq usiinin wadayaasha Bii’elka ee ka howlgala magaalada muqdisho waxayna ugu baaqeen darawalada inay u naxaan dadka aan u adkeesan karin dhawaqa hoonka iyo kuwa kale ee xanuunsan ee soo raaca Bii’elka.

Mararka qaarkoood darawalada ayaa si taxadar la’aan ah dhegaha ugu jabiya dhawaqa hoonka shacabka isticmaala wadooyinka iyo kuwa soo raaca gawaarida Bii’elka.

Ugu danbayn marka laga soo tago dhibaatooyinka ay geestaan darawalada gaadiidka waxaa jira dhibaatooyin ay dhankooda tabanayaan wadayaasha taa oo ah in wadooyinka qaar ee magaalada muqdisho ay u xiran yihiin madaxda dowladda iskuso wada duuboo waxaa isweydiin mudan Hoonka Saa’idka ah ee Darawalada Gaadiidka ay yeerinayaan ma masuuliyad daraa mise waa maslaxad Wada furasho?

W/D/ Cabdi Axmed Cabdullaahi(Cabdi yare)

Hoos Ka Dhageyso Codka
Riix Halkan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil