Audio Maqaalo Warar Wararka

Dhageyso:-Xidigle dhibane ah oo fariin u dirtay Madaxweynaha Somaaliya+Sawirro

Faa izo Cabdirashiid Cabdi Waa Xidigle ka tirsan Xoogga dalka Somaaliya waxayna hada dhibane ku tahay Isbitaal ku yaalo dalka turkiga markii ay shil ku gashay qeybo kamid ah gobolka Shabeelaha hoose 27 bishii la soo dhaafay ee Simtember xili ay ka soo laabatay mushaar qeybin ay ka soo sameyay ciidamo ka tirsan dowladda Somaaliya oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Bali-doogle e gobolka Shabeelaha hoose.

Faa,izo oo weli ay ka muuqdaan dhaawicii cuslaa ee ka soo gaaray Shilkaas ayaa iyadoo ku jirta Isbitaal ku yaalo dalka turkiga Danan u sheegtay in marka loo fiiriyo waqtigaan xaaladeyda ay sidii hore ka wanagsan tahay balse ay jiraan xanuuno kale oo soo boodo ah oo u baahan in wax laga qabto.

Marka laga soo tago in ay jirtay in madaxda qaarkood ay ku booqdeen intii ay ku jirtay isbitaalka Digfeer ee maagalda Muqdisho ayaa hadana Faa’izo waxay weli u baahan tahay daryeel Cafimaad iyadoo fariin u dirtay madaxda ugu sareysa dalka Somaaliya.

Inta badan Ciidanka xoogga dalka ayaa ku shaqeeya duruufo adag ayaa hadana marka ay soo gaaraan waxyeelo aysan helin cid daryeesho dowladii ay ka tirsanayeena ay meel cidlo ah uga tagto Faa’iso ayaa hada sida ay noo sheegtay waxa ay rajadeedu tahay in uun ay Caafimaadkeeda uu noqdo mid taam ah maadaama hada dhibaatada ugu badan ay ka heysato qeybta dambe ee jirkeeda laakin wax walbo ay uga xiran yihiin dhaqaalo qoyskeedana aysan awood buuxda u laheyn.

Hoos Ka Dhageys Codka Xidigle Faa’iso Cabdirashiid
Riix Halkan

Sawiro

120112_011

120112_011

1

2

3

4

5

6

7

8

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil