Audio Maqaalo Qormooyin Warar Wararka

Dhageyso:-Dagaalka Gaalkacyo ma mid Siyaasadeed baa Mise waa Dulmi Shacab (War-bixin)

Mudo ka badan 3 Todobaad ayaa dagaalo dhiig badan uu ku daatay shacab farabadana ay ku barakaceen waxa uu ka dhacay magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kaas oo u dhaxeeyo ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug,tan iyo markii uu dagaalkaas bilaawday waxa jira dadaalo la doonayay in xal looga gaaro balse aan lagu guuleysan kaas oo ay wadeen Odayaasha dhaqanka gobolka Mudug iyo dowladda Somaaliya oo uu ugu horeeyo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdrashiid balse aan laga gaarin wax natiijo ah.

Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa hawada isku marsiiyay Warar sii huriyay dagaalka Gaalkacyo iyagoo midba midka kale uu sheegayo in lagu soo duulay madaxdana ma aheyn kuwa xil iska saaray dhibaatada soo gaareysa shacabka lagu dul dagaalamay.

Siyaasiyiinta Somaalida qaarkood ayaa dagaalka Gaalkacyo ku tilmaamay kuwo siyaasadeysan oo wax badan laga ogyahay maadaama madaxda labada Maamul aysan aheyn kuwo wada hadlaya, Madaxda ugu sareysa Puntland ayaa qabta in dagaalka Gaalkacyo ay ku lug leedahay dowladda Somaaliya iyo Al-Shabaab oo wada jira waana wax aan is qaadaneyn maadaama dowladda laftigeeda ay dagaal kula jirto Al-shabaab Madaxweyne Gaas ayaa horay Warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Xasan sheekh uu dagaalka Gaalkacyo dhinac kaga jira isagoo doonaya in waqtiga lagu lumiyo si uu xilka weli usii hayo.

Markaan dhanka kale ka eego madaxda Galmudug ayaa iyagana qaba in dagaalka Gaalkacyo uu yahay mid ay Puntland ku dooneyso dhul balaarsi, laba maamulna aysan ka wada shaqeyn Karin Gaalkacyo xal walbana ay diiden.
Masuul u hadlay Galmudug ayaa shaaciyay in dagaalka Gaalkacyo ay qeyb ka yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland kuwaas oo qaarkood Warbaahinta usoo bandhigeen wallow Maamulka Jubbaland aysan jawaab ka bixin.

Sikastooy ahaataba todobaadkii la soo dhaafay Magalada Cadaado oo kamid ah deegaanada uu Maamulo Maamulka Galmudug waxaa la geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom kuwaas oo lagu sheegay in ay xaqiijinayan amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka qeybta Galmudug horay ayaa loo yiri qofba meel u daran indhaha ayaa laga fiirsaday boqolaalka shacabka ah ee banaanka ka jooga Gaalkacyo oo ay ku dhaceyso Cadceeda ama Qoraxda xiliga Jiilaalka ah ee lagu jiro iyo Qaboowga Habeenkii sow ma mudneen in Ciidamo la kala dhex dhigo kuwa ku dul dagaalamaya shacabka dhex dooda.

Si kastaba Su’aasha isweey diinta mudan ayaa ah dagaalka Gaalkacyo ma mid siyaasadeed baa mise waa barakicin shacab.

W/D/ Wariye Cabduqaadir Jakaarta

Email Jakaarta224@gmail.com

Tel 0615827669 ama 0617243127

Hoos Ka Dhagayso Warbixinta
Riix Halkan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil