Dhagayso:Dhibaatooyin heesta qaar kamid ah shacabka degmada Afgooye

0
1

Waxaa dhibaatooyin lagasoo sheegayaa tuulooyinka Buulo Maguurto iyo Cumar beeyre,oo kamid ah Tuulooyinka hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Kooxo hubeysan ayaa mararka qaar dhac u gesta dadka kunool tuulooyinkaas kuwaas oo gala wada ka baxa iyo kuwa gala Tuulooyinkaas,iyagoo guud ahaan ka qata waxa ay wataan.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo Wareysi siiyay Xafiis Wareedka Radio Danan uu ku leeyahay degmada Afgooye ayaa sheegay in xiliyada qaarkood ay kooxahaas wada u galaan Gaadiidka iyo dadka saran iyagoo Haweenka kufsi u geesta kadibna ka qata waxay heestaan mana jiro cid wax ka qabaneysa sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale xariir aan la sameynay maamulka degmada Afgooye ayaan noo suurta gelin si aan wax uga weeydiino cabashada kasoo yeereeysa qaar kamid ah shacabka ku dhaqan Tuulooyin hoostaga degmada Afgooye.

Hoos Ka Dhagayso Codka
Riix Halkan

NO COMMENTS