Warar Wararka

Maamulka Galmudug oo soo bandhigay Waxyaabo ay qabteen+Sawirro

Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay qalab ciidan oo sida la sheegay kusoo jeeday Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaasi oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Qalabka oo ka kooban dareys iyo agab kale, islamarkaana saarnaa gaari nuuca xamuulka ah ayaa xalay laga qabtay bar koontorol oo ku taalla duleedka koonfureed ee Gaalkakcyo.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Nabad-sugidda iyo kuwa Booliska oo wada jira ay gacanta ku dhigeen Saanaddan ciidan oo ku socotay Al-Shbaaab, islamarkaana ay xireen dadkii waday qalabkan.

Gadaar ayaa tilmaamay in qalabkan ay Shabaabku doonayeen “inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed” hasa ahaatee xoga badan oo ciidankooda ay ka heleen shacabka lagu guulaystay in gacanta lagu dhigo.

Sawirro

13

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil