Warar Wararka

Magalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa waxaa lagu xiray ku gudoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Mudug Puntland marna soo noqday xubin kamid ah Golaha deegaanka Gaalkacyo.

Masuulka la xiray ayaa waxaa lagu magacaabaa Yacquub Maxamed Cabdalla ku xigeenkii hore ee duqa Gaalkacyo ayaa xarigiisan uu yimid kadib markii uu warbaahinta ka hadlay sheegayna in maamulka gobolka Mudug looga dhawaaqay uu yahay mid isku qoys ah oo cadaalad daro madaxwaynuhu ku magacaabay.

Yacquub oo shirjaa,id ku qabtay Garowe ayaa yiri”Madaxwaynuhu Wuxuu Wareegtadii kasoo baxday cadysay shaqsiyada Madaxwayne Cabdiwali Gaas, waxaana dadku sugayay in mudadii la doortay Madaxwayne Gaas la sugayay in uu ballaariyo maamulka balse sidii hore ee uu ahaa uu kasoo koobay hada”Ayuu Yiri Siyaasi Yacquub Maxamed Cabdalla.

Masuuliyiinta Maamulka Puntland wali kama hadlin xariga Yacquub marka laga reebo hadalada maanta uu yiri oo looga shakiyey xarigiisa in ay saamaysay.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil