Home / QORMOOYIN / Dadaalkii ma daad baa qaaday?……Maqaal

Dadaalkii ma daad baa qaaday?……Maqaal

Soomaaliya waxay aheyd dal kamida dalalka lagu daydo dhan walba, kahor intii aan lahelin xornimada waxay aheyd dal muhiim u ah ganacsiga iyo isusocodka qeybo kamida dalalka Africa iyo Aasiya, kadib gumeysigii ayaa dalka gacanta ku dhigay si awood ah 5 qeybna ka dhigay, si uu si fudud ugu maamulo.

sheekadu sidaa masii ahaan oo rag dhiiggoodu nadiif ahaa oo damiir, dadnimo iyo damqashaba ay ku jirtay ayaa ka dhiidhiyey oo naftooda, maalkooda, caqligooda iyo wax waliba u huray sidii heeryada gumeysi leysaga feydi lahaa oo loo arki lahaa wanaagga gobannimadu leedahay, waxaana tusaale muuqda u ah kacdoonnadii ay kala hogaaminayeen Sayid Muxamed C/lle Xasan iyo dhalintii buugga dahabka gashay ee SYL walow labada kacdoon ee gobanimada lagu raadinayey ayan isku xilli aheyn lakin waxay ka mideysnaayeen hadafka iyo ujeedka oo ahaa in leyska dulqaado heeryada gumeysigu saaray Soomaaliya.

Sikastaba Soomaalidu way heshay waxay  sugayeen muddo dheer way heleen xornimadii uu god u galay geesi badan way heleen xornimadii ay u samreen muddo dheer waana la gaaray gobanimadii ay geed waliba u koreen, waxaana lagu ammaanaaa guushaas ururkii dhalinyarada ee SYL oo si xeeladaysan u rumeeyay riyadii ummada Soomaal, waana markii uu lahaa  abwaan C/laahi Suldaan Timacadde eebbe how raxmadee:

sankuneefle dhammaanti
khalqiga kii u sinnaayee
mid saaxiib la ahaynow
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar

Soomaalida intaa wixii ka dambeeyay waxay ku noolaadeen barwaaqo iyo badhaadhe, dalkuna wuxuu lahaa nidaam (noocuu doono ha ahaadee), kala dambeyn (sidey doonto haku timaadee), hanti nooc waliba leh, ciidamo awood iyo geesinimaba lagu yaqaanno iyo waliba hub ku filan.

Waxaa isaga dambeeyay illaa saddex madaxweyne oo uu ugu dambeeyay maamulkii milatari iyo kacaankii uu horkacayey Jen. Maxamed Siyaad Barre.

dhamaadkii 1990kii ayaa laga taqalusay xukunkii milatari balse maxaa xigay!!?.

Dalkii baa la rogay, dadkii baa la laayey, dumarkii baa la dooxay, odaygii baa la dal-dalay, dariiqii baa la gooyey, dugsiyadii qur’aankaa la dumiyey, daacadnimaa la duugay, dacar baa ummada la siiyey, dareen xun layeeshay damiirkuna dhaqaaqay, Dambina waa la galay oo ma badna beel aan beel kale dulmin

22kii sano ee dalku burburku ku jiray waxaan dhicin oo kaliya arrin aan la sugeyn waayo wax waliba oo leys dhihi karo waa dhici karaaan waa dhaceen.

Illaa iminka lama yaqaanno halka sartu ka quruntay dhibkii dhacayna wali saameyntiisu ma dhamaan, waxwaliba oo Soomaalidu sameysayna waa sixi la’yihiin qaladkii dhacay! taana waxay keentay in Soomaalidu noqoto qof buka oo ay u taliso boqol qof, arrintaasi waxaa daliil u ah waddan waliba wuxuu leeyahay “war anigaa hayya xalka soomaaliya”,  in uu uga sii dara maahee wax danteeda wadana lama helin wali.

Soomaaliya waxay noqotay dal  nugul oo xitaa dadkii lahaa ayan kuwada noolaan kareyn  taasna waxay keentay in baratan loo galo ka faa’iideysiga dalkan dadkiisu saqraamay ee sunta laga simay.

shirar ayaa dhacayey taniyo markii meesha laga saaray xukuumaddii milateriga illaa imminka walina lama gaarin geeddigii, gumeysina lagama xoroobin, oo Soomaaliya maalinba ta xigta waa ka dartaa markaad dhahdo hadday roonaatay ayey rogantaa, markaad dhahdo hadday hagaagtay ayey halowdaa.

Dulucdu waxay tahay  dadaalkii la galay ma daad baa qaaday!!!? oo aan uga jeedo halgankii Sayid Maxamed & kii SYL, ayaa la duugay laguna badalay wax aan la aqoon meel lagala yimid oo ah Qabyaalad, sadbursi iyo qaran neceyb

waa su’aale soomaaliya halkee inkaartu ka heysataa?

ma waxaa jinku kasoo raacay xaqqii ay ka galeen geesiyadii dhibka ka maray gobanimada Soomaaliya?

Mise Soomaalida ayaa noqotay dad liita oo dhuunta wixii mari lahaa iyo dharkii la xidhan lahaa ku koobay dhafarkooda?

WQ: Nuur Xuseen Sheekh Muxamed

Nurholac@gmail.com