Dhagayso:Rag degmada Boondheere dil ka geestay oo gacanta lagu dhigay iyo Gaari ku qarxay degmadaas

0
1

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo Wareysi siiyay Radio Danan Muqdisho ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Koox hubeysan oo wadatay Gaari Saaruf ah kuwaas oo uu sheegay in labo ruux oo wadatay gaari kale ay ku dileen qeybo kamid ah degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale afhayeenka ayaa intaas ku daray in halkasi uu ku geeriyooday mid kamid ah ragii watay gaarigaas oo ugu dambeyn goobta ku qarxay.

Sikastaba mudoo ku dhow Todobaad ayaa waxaa magalada Muqdisho ka dhacay dilal qorsheysan iyo sidoo kale Gawari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa walow badan kood ciidanka NISA ay gacanta ku dhigeen kii ugu dambeeyay ay ka qabteen degmada Deeyniile.

Hoos Ka Dhagayso Codka
Riix Halkan

NO COMMENTS