Home / CIYAARAHA / Adriano Gilliani oo dadaal galinaya sidii uu u heli lahaa “Keisuke Honda”

Adriano Gilliani oo dadaal galinaya sidii uu u heli lahaa “Keisuke Honda”

Honda

Adriano Gilliani guddoomiye xigeenka kooxda Ac Milan ayaa sheegay in uu doonayo saxeexa heshiiska xiddiga ree Jaban iyo kooxda CSKA Moscow ee lagu magacaabo Keisuke Honda.

Xiddigan heerka caalami oo ka ciyaara khadka dhexe ayaa heshiiska uu kula joogo kooxda Mosco waxaa uga haray oo qura 6 bilood taasi oo ka dhigan in xiddigu fasax yahay bisha January 2014 xilligaas oo uu dib u furmi doono suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Gilliani ayaa xaqiijiyey in Rossaneri ayan ka quusaneyn lasoo wareegidda xiddiga oo 27 jir ah ayna january ku heli doonaan waxa loogu yeero “Bosman deal” oo ah in si xor ah ciyaaryahanku kaga soo tago kooxdiisa.

“taageerayaashu waxay doonayaan Honda, isaga oo kaliya ayan lasoo wareegeynaa sanadkan” ayaa laga soo xigtay Gilliani oo ka hadlayey shir jaraa’id, “xiddiga qudhiisu Sansiro inuu yimaado ayuu doonayaa waana arrin aan ku farxeyno” ayuu sii raacsaday 68jirkani.
Keisuke Honda waxa uu kooxda CSKA Moscow kusoo biiray 2010kii 78kulan ayuu u saftay kooxda wuxuuna shabaqa ku hubsaday 19 gool, xirfadiisa qadka dhexe ayaana keentay xiddiga in uu soo jiito indhaha kooxo badan oo qaaradda Yurub ka ciyaara Milanba ha ugu horreysee.

Rossaneri Ac Milan ayaa meel dhexe ku dhameysatay horyaalkii dalka talyaaniga ee xilligii inaga tagay iyadoona isu diyaarineysa Iskudatiyaha bilaabanaya 24 August ee sanadkan.

 

 

 

3 comments

  1. gargantuan article which i delve into realize of respecting the aid of a prolonged epoch i whim assuredly bookmark it on
    thanks representing this thoroughly of the accustomed admonish

  2. charming celerity chauffeur nonpareil

  3. egregious send and i like to respect your posts