Home / Warar / Wararka / Guddoomiyaha Degmada Cabdilcasiis oo Sheegay in ay Adkaynayaan Ammaanka Degmadaas.
liido

Guddoomiyaha Degmada Cabdilcasiis oo Sheegay in ay Adkaynayaan Ammaanka Degmadaas.

Iyadoo maalinimadii Shalay qarax sababay Khasaare Isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac uu ka dhacay Hotelka Liido ee Degmada cabdilcasiis ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Guddoomiyaha Degmada cabdilcasiis.

Cabdullaahi Xuseen Axmed Guddoomiyaha ayaa sheegay in Degmada cabdilcasiis ay ka mid tahay Degmooyinka ugu Nabddoon Magaalada Muqdisho kuwii falkii shalay halkaa ka dhacay Fuliyayna ay yihiin Dad u quuri la’ Nabaddaas waa siduu hadalka u dhigaye.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in tan cashar ay u tahay isla markaana hadda iyo wixii ka danbeeya ay sii adkayn doonaan ammaanka degmada fal danbe oo kii shalay la mid ahna uusan ka dhici doonin.

Cabdullaahi Xuseen Axmed ayaa ugu baaqay Shacabkii ku ganacsan jiray Degmadaas in arrintaas darteeda ganacsigooda u joojin isla markaana dadkii imaan jiray Xeebta Liido ay sidoodii u imaan karaan.

Guddoomiyaha Degmada Cabdilcasiis ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay yihiin ummad Islaam ah isla markaana garanaya qaddarta isagoona hoosta ka xarriiqay in ay ogyihiin in naftooda ay ku jirto Gacanta Alle cid kale oo wax yeeli kartana aysan jirin.

Hadalkan guddoomiyaha Degmada cabdilcasiis ayaa imaanaya xilli Maalinimadii Shalay Qarax uu hal Ruux oo Rayid ah uu ku dhintay mid kalena ku dhaawacmay uu ka dhacay Baar Liido oo ka mid ah Degmada cabdilcasiis ee magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>