Home / Warar / Wararka / Xukuumadda Bitian oo Khubaro Milatry u soo Direysa Dalka Soomaaliya
ciidamo ingiriis

Xukuumadda Bitian oo Khubaro Milatry u soo Direysa Dalka Soomaaliya

Dawladda Ingiriiska ayaa iminka waxa ay qorsheyneysaa sidii Ciidamo Tababara Ciidamada Soomaaliya ay ugu soo diri lahayd Dalka Soomaaliya.

Qorshahaas ayaa waxaa ka mid ah in Ingiriisku Ciidamo u diro Dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, isla markaana ay Oggolaatay in ay la yeelato iskaashi dhinaca gaashaan Dhigga ah.

Dawladda Ingiriiska ayaa Ciidamo u Direysa Safaaradeeda Muqdisho, sidoo kale waxa ay tababarayaal dhinaca Milateriga ah ayaa sidoo kale waxa ay u direysaa Soomaaliya iyadoo isla markaana Somaliya laga furayo Dugsiyo lagu barto Luqadda Ingiriisiga.

Qorshahan ay waddo Wasaaradda Gaashaan dhigga ayaa waxa ka mid noqonaya tababaro la siiyo Ciidamada Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan la dagaalanka waxa ay ugu yeereen Argagixisada geeska Afrika.

Qorshahan ayaa sidoo kale waxaa ku jira Dalalka Parma, Suudaan Liibiya iyo dalal kale kuwaas oo uu dhamaantooda Ingiriisku ka leeyahay Istiraajiyad Milatery iyadoo arrimahana la hor geyn doono Barlamaanka Dalkaasi si loogu Sharaxo qorsha ay waddo Wasaaradda Gaashaan Dhigga ee Xukumadda Biritian.

 Hadalkan ka soo yeeray Dawladda Ingiriiska ayaa waxa uu imaanayaa xilli Cilaaqaadka Soomaaliya iyo Ingiriisku uu soo hagaagayo gaar ahaana wixii ka danbeeyay markii Maraykanku aqoonsiga u fidiyay Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>