Home / Warar / Wararka / Dacwadda Weriye Cabdicasiis Koronto oo Maanta mar kale Dib uga Bilaabanaysa Magaalada Muqdisho.
Wariyey-Cabdicasiis-Korowariye korontonto-dhex-jira-Shabaqa-Eeysanyaasha-la-geliyo

Dacwadda Weriye Cabdicasiis Koronto oo Maanta mar kale Dib uga Bilaabanaysa Magaalada Muqdisho.

Wariye Cabdicasiis iyo afar shakhsi oo kale oo la eedeysan ayaa la filayaa in manta Dhagaysiga dacwadooda ay ka furanto Xarunta Maxkamadda sare ee Magaalada Muqdisho.

Cabdicasiis Koronto oo ay Laanta barista Denbiyadu CID ay xabsiga dhigtay Tobankii Bishii janawery ee aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa lagu eedeynayaa inuu ka  shaqeeyay Fal fadeexeyn ah oo been abuur ah ka gadaal markii uu sheegay Haweeney iyaduna xiran kuna andacoonaysey in ay Kufsi u gaysteen Askar ka Tirsan Ciidamada dawladda.

Wariyaha oo dacwadiisu muddo dheer soo jiitamaysey ayaa maalinimadii Arbacadii aan soo dhaafnay dib loo dhigay ka gadaal markii ay sidaa codsadeen qareenada u doodaya Wariyaha.

Hay’adda Xuquul Insaanka iyo Ururka Suxufiyiinta qaranka ayaa mudaba waxa ay codsanayeen in wariyahaas cadaaladda la hor keeno iyadoo sidoo kalena arrinta wariyaha ay ka hadleen mas;uulyiinta ugu sareysa ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba Go’aanka Maxkamadda iyo Halka ay Dacwaddu isugu biya Shubataba waxaanu idinkugu soo gudbin doonaa wararkayaga soo socda.