Home / Warar / Wararka / Ganacsatada ku Dhaqan Degmada Balcad oo ka Cabanaya Cashuuro uu ku soo Rogay maamulka Degmadaas.
balcad

Ganacsatada ku Dhaqan Degmada Balcad oo ka Cabanaya Cashuuro uu ku soo Rogay maamulka Degmadaas.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ganacsatada ku dhaqan degmadaasi ay xiligan ka cabanayaan Cashuuro uu ku soo rogay maamulka dawladda federaalka Soomaaliya ee degmadaas.

Ganacsatada ayaa sheegeysa in Lacago aad u fara badan lagu soo rogay in ay bixiyaan ganacsatada taasoo xiligan aysan awoodin.

Qaar ka mid ah dadka Xaabada ka ganacsada oo war baahinta la hadlay ayaa sheegay in cashuur weligood ayan arag  la saaray iyadoo waa siday hadalka u dhigeene qori qori oo ka mid ah xaabada ay ganacsanayaan Cashuur la saaray.

Af hayeeno u hadlay Ganacsatadaas ayaa sheegay in cabshadooda ay u gudbin doonaan Xukuumadda federaalka Sooaamliya haddii wax laga qaban waayana ay ganacsigooda albabada isugu dhufan doonaan

Ganacsatada ayaa sheegtay in cabshooyinkooda durbaba ay gudbiyeen haddii wax laga qaban waayana ay u raran doonaan ganacsigoo meelo ka kale oo ka baxsan maamulka Degmada Balcad.

Wararkii u danbeeyay ee saaka naga soo gaaraya Magaalada Balcad ayaa sheegaya in qaybo fara badan oo ganacsiga degmadaasi ah manta albaabada loo laabay taasoo looga cabanayo Cashuuraha ay soo rogeen ,mas’uuliyiinta dawladda ee degmadaasi.

Si kasta ha ahaatee arrintan ayaa  waxa ay walaac badan  ku abuurtay Shacabka ku dhaqan Degmadaas oo ka deeyriyay haddii aan xaaladdaas xal loo helin saamaynta ay ku yeelan karto Dadka masaakiin ah ee ka xoogsada Degmadaas.