Home / Warar / Wararka / Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Weli Booqasho ku Jooga dalka Ingiriiska.
xasan shiikh

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Weli Booqasho ku Jooga dalka Ingiriiska.

 

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo iminka booanaya Dalka Ingiriiska ayaa kulan wax uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas David Camaron.

Madaxweyne Xasan Shiikh Ra’iisul Wasaaraha Kiinya ayaa waxa ay isla soo qaaden xiriirka labada dal u dhaxeeya iyo sidii loo hor marin lahaa isla markaa dawladdu Ingiriisku dar dar gelin lahayd Cilqaadaaka ay la leedahay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne xasan Shiikh Maxamuud.

Ra’iisul wasaare David ayaa ku booriyay in Xukuumadda Soomaaliya oo xiligan ka baxday ku meel gaarnimadii in ay ka shaqayso dhinaca cadaaladda iyo sidi loo sii hor marin lahaa dhinaca ammaanka.

Mr Camaroon ayaa mar kale ballan qaaday in Xukuumaddiisu ay gacan ka gaysan doonto Sidii Soomaaliya ay dib ugu soo noqon lahayd Saaxii Siyaasadeed.

Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ka war bixiyay safarkii uu ku tegay Dalka Biljimka iyo waxyaabihii uu kala soo hadlay Madaxda Midowga yurub.

Xasan Shiikh ayaa sheegay in dhamaanba qodobadaas kulankaas la isula soo qaaday in ay ahaayeen kuwo la isku af gartay isla markaana Midowga yurub uu sheegay inuu kordjinayo taageerada dhinaca dib u dhiska dalka iyo Ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu la kulmo Jaaliyadda Soomaalida eek u dhaqan Dalkaas Ingiriiska kalana hadli doono waxyaabihii uu kala soo kulmay Kulankii Baragsaless.

Si kasta ha ahaatee booqashadan uu Madaxweynuhu ka tegay Dalka Ingiriiska ayaa noqonaysa tii labaad ee uu dalkaas ku tago tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya sanadkii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>