Home / Warar / Wararka / Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wafddi uu Hoggaaminayo oo Magaalada Marka Gaaray
marka iyo saacid

Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wafddi uu Hoggaaminayo oo Magaalada Marka Gaaray

 

Cabdi faarax Shirddoon Ra’iisul Wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa manta gaaray Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Ra’iisul wasaaraha oo Safarkiisa ay ku weheliyaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ee Xukuumaddiisa ayaa waxa ay Gobolkaas u tageen si ay ugu kuur galaan xaaladda ammaanka Binu’aadanimada iyo Dhaqaalaha ee Magaalada Marka.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ugu horeynba waxaa  halkaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Gobolka isagoona Kulamo kala duwan la qaatay maamulka Gobolka iyo Odoyaasha iyo wax garadka Gobolkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu war bixino ka dhagaystay  Mas’uuliyiinta Gobolka iyo waliba odoyaasha Dhaqanka ee Gobolka Shabeelaha Hoose kuwaasoo uga war bixiyay Xaaladaha Gobolkaas ka jira.

Arrimaha sida gaarka ah la isula soo qaaday ayaa waxaa ka mid ah sida ay wararku nagu soo gaarayaan sidii Gobolkaas loogu dhisi lahaa Maamul Goboleed sida haatan abaabulkoodaba uu ka socdo gobolada kale ee Dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhankiisa war bixin ka siiyay Mas’uuliyiinta kala duwan ee uu la kulmay Xaaladda uu dalku haatan marayo iyo tallaabooyinkii ay qaaday Xukuumaddiisa.

Booqashadan uu manta Ra’iisul wasaaraha ku tegay Magaalada Marka ayaa waxa ay daba joogtaa Booqasho uu todobaadkii hore ku tegay Degmada Af Gooye halkaasoo kulamo uu kula qaatay Mas’uuliyiinta Degmadaas isagoona u sheegay goor ay noqotaba inuu booqan doono Magaala madaxda Gobolka ee Marka.

Si kastaba Booqashadan Ra’iisul wasaaraha uu manta ku tegay Magaalada Marka ayaa waxa ay noqonaysaa tii u horeysey ee uu halkaa ku tago tan iyo markii loo doortay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dabayaaqadii Sanadkii hore.

.