Home / Warar / Wararka / Maxamed Macalim Guddoomiyaha Maamulka Xudur oo ka War Bixiyay Duruufo Xiligan ka Jira Magalada Xuddur.
maxamed macalim gudoomiyaha xudur

Maxamed Macalim Guddoomiyaha Maamulka Xudur oo ka War Bixiyay Duruufo Xiligan ka Jira Magalada Xuddur.

 

Guddoomiyaha Maamulka Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Degmada Xuddur Maxamed Macalim Axmed oo manta la hadlay war baahinta ayaa ka war bixiyay Xaaladda Nololeed ee magaalada Xuddur ee Gobolka bakool.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Magaalada Xuddur xiligan uu ka jiro Sicir Barar dhinaca raashiinka ah isagoona hoosta ka xarriiqay in Kiilada bariiska ahi gudaha magaalada Xudur ay ka joogto inta u dhaxaysa Soddon illaa Afartan Kun oo Shilinka Soomaaliga.

Maxamed Macalim ayaa u aaneeyay sicir bararakas in ay ka danbeeyaan Ciidamada xarakada shabaab waa siduu hadalka u yiriye isagoona sheegay in ay dhamaanba waddooyinkii soo galayay Magaalada Xudur.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Magaalada aysan soo galin gaadiidkii xamuulka ahaa  ee Badeecooyinka kala duwan keeni jiray Magaalada kuwaas oo uu sheegay in xayirad ballaaran ay kala kulmeen Dagaalyahanada Xarakada Shabaab oo jaray is gaarsiisintii dhinicii gaadiidka ee magaalada xudur soo geli jiray.

Guddoomiye Maxamed Macalim ayaa sheegay in ay baaq u direen hay’adaha sama falka iyo waliba Dawladda federaalka Soomaaliya iyagoona ugu baaqay in gar gaar deg deg ah lala soo gaaro shacabka ku dhaqan magaalada Xuddur.

Hadalkan Guddoomiyaha Degmada Xuddur ayaa imaanaya xilli waayadii danbe Maamulka dawladda Federaalka Soomaaliya ay sheegayeen in ay qaadayaan dagaalo ay Gobolkaas kaga saarayaan Xarakada Shabaab.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>